Xulka Qaranka Somalia oo Guuldaro ku bilowday Is Reeb-Reebka Koobka Africa.

0
60

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xulka Qaranka Somalia ayaa guuldaro kala kulmay xulka Qaranka Eswatini kulan ka tirsanaa is Reeb-Reebka Koobka Africa.

Xulka Somalia Oo Marti loo ahaa ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta.

Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku hogaaminayay 2/0.

Qaybta dambe ayuu xulka Somalia si fiican u ciyaarayay laakiin waxa ka dhimanayd dhamaystirka fursadaha.

Xulka Qaranka Eswatini ayaa qaybtii dambe dhaliyay goolka 3-aad iyaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka Somaliya lagu garaacay 3/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here