RW ku xigeenka Dalka oo sheegay Xisbigii weynaa ee dowladda uu Soo Socdo

0
349

Kismaayo(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Manta waxa uu ka hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo soomaaliya doorka dhalinyarada iyo diyaar garoowga loogu jiro.

Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomalaiya.

Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay taas oo dalka ka dhacdo Sanadka 2019.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here