Deegaanka Buula Bartire ee waqooyiga Kismaayo oo laga hiragliyey Masjid ay ku cibaadeystaan dadka Deegaanka 

0
459
Kismaayo(Idaacada Waamo)Deegaanka Buula Bartire oo 20 KM kaga Beegan  Dhanka Waqooyi magaalada kismaayo deegaanka ayaa waxa uu ka mid yahay deegaano dhawaan laga hir gariyey inta u dhaxeyso deegaanka qaam qaam iyo yoontoy ee gobalka jubbada hoose Waxaa Dhawaan loo dhisay Masjid ay ku cibaadeystaan dadka deegaanka iyadona ay bulsho aad u badan ay ku nool yihiin deegaankasi
Iyadoona  dadaal xogan ay ku bixiyeen Qurbo joog iyo qaar ka mid ah Xilibaanada Baarlamaanka jubbaland sidii loo hili lahaa masjid ay dadka deegaanka ku cibadeystaan
Xilibaano Ka tirsan Baarlamaanka jubbaland iyo qaar ka mid ah agaasimayasha wasaaradaha dowlad goboleedka jubbaland  saraakiil cidan  ganacsato iyo Culumaa’udiin aya ka qeyb galay xarig jarka masjidka deeganka
Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa ka mahad celiyey dhismaha masjidka deegaanka  iaygoona cod saday in deegaanka laga hirgaliyo xarumo caafimaad iyo waxbarasho
Xilibaan Aadan Xareed oo ka mid ah Xilibaanada Jubbalnd oo dadaalka Xogan ku Bixiyey sidii deegaanka loo Hormarin lahaa ayaa dadka deegaanka kula dar daarmay in ay kawada shaqeyaan amniga isagona sido kale u balan qaday in ay heli doonaan wax kasto oo ay ubaahan yihiin dadka deegaanka.

R/W,Fartuun Nuur Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here