Godoomiyaha gobalka Jubada hoose oo booqasho ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole

0
407

Kismaayo(Idaacada Waamo)Gudoomiayaha gobalka Jubada hoose Cabdirashiid Cabdulllaahi Cali Gooni ayaa booqasho u kuur galid iyo indho indheen ah ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole,waxaana uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Cabdalla Biroole.

Mahad Nuur Ibraahim gudoomiyaha deegaanka Cabadalla Biroole ayaa warbixin ka siiyay gudoomiyaha deegaanka iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin dadka deegaanka.

Taliyaha guutada 1,aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Maxamed Xasan Gaboobe ayaa dhankiisa kawaramay amniga deegaanka.
Gudoomiyaha gobalka Jubada hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni oo ugu dambeyn kullanka ka hadlay ayaa bulshada uga mahadceliyay soo dhaweyntii ay u sameeyeen,isagoona u ballan qaaday in ay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ay sheegteen.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here