Guddiga gurmadka fatahaadaha Kismaayo oo soo bandhigay hantidii ay ururiyeen ee taakulaynta dadka fatahaadu saameysay ee Baladweyn.

0
310
Kismaayo(Idaacada Waamo)Magaalada Kismaayo oo ay ka socdeen gurmadka fatahaadaha wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne,ayaa waxaa ay soo aruuriyeen lacag gaareysa 73,000 kun oo dollar,gudiga oo kullan ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Culimo udiin,iyo wasiirka Cadaalada Jubbaland.
Gudoomiyaha gudiga maaliyada Saleebaan Abdishakuur ayaa ka hadlay lacagaha ay aruuriyeen iyo siday ay bulshada uga qeyb qaateen arimaha gurmadka.
Gudoomiyaha gurmadka Baladweyne qeybta Kismaayo Sheikh Saciid Axmed ayaa dhankiisa faahfaahin guud ka bixiyay shaqadii ay qabteen ee howlaha gurmadka.
Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada cadaalada garsoorka iyo arimaha diinta Jubbaland mudane Maxamed Yuusuf Cumar,ayaa dardaaran u jeediyay bulshada Soomaaliyeed gaar,ahana shacabka Jubbaland.

R/W,Fartuun Nuur Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here