Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo kullan la qaatay Agaasimayaasha wasaaradaha.

0
334
Kismaayo(Idaacada Waamo)kullankaan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland  ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo.
Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.
Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo dhamaan wasaaradaha looga dhageysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, kuxigeenada, agaasimayaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here