Magaalada Kismaayo oo laga daah-furay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Guddiga sare ee Machadka Garsoorka Dalka

0
48
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ka daahfuray Shirweynaha Sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhammaan hay’adaha garsoorka dalka ee heer Federaal . maamul goboleeyada dalka iyo Gobolka Banadir.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo daah-furay shirka ayaa wuxuu ka hadlay muhiimada uu leeyahay garsoorka dalka iyo sidii loo hormarin lahaaa Garsoorka dalka.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here