Dhalinyaro Xirfadley ah oo soo saara Sariiro casri ah

0
419
Kismaayo(Idaacada Waamo)Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo badanaya sariiraha Jiifka ee lagu magacaabo Dubaay jebiska,waxaana marka aad indhaha ku dhufato aad u maleneysa mida dalka dibadiisa la inooga keeno,waxaana alaabtan sameeyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo hadii ay qalab heersare ah heysan lahaayeen soo saari alaab tan ka sii tayo wanaagsan.

Amiin Muuse oo horjooge u ah dhalinyaradan alaabta sameeneyso ayaa inoo sheegay in aysan ka duwaneyn alaabtan mida dibada laga keeno,waxaana uu sheegay marka la guurayo in ay ka sahlan tahay oo aan loo baahaneynin qof furfura.
Cabdi Najiib Qaalib oo ka mid ah howl,wadeenada xirfada u leh in ay sameeyaan alaabahan ayaa dhankiisa inoo sharaxay sida ay u sameeyaan iyo waxyaabaha ay ka koobantahay.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here