Dad bartay xirfadda dhimaha Guryaha oo la siiyay agab ay ku shaqaystaan

0
36

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta iyo dib u dhiska dowladda goboledka  Jubbaland ayaa qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Luglow ee waqooyiga Magaalada Kismaayo  siisay tababar mudo socday kaas oo lagu baray horumarinta xirfada dhismaha guryaha iyo soo saarista dhagaxa qorqorka ah ee guryaha lagu dhiso .

Dadka la baray Horumarinta xirfada dhismaha guryaha oo rag iyo dumar isugu jira ayaa markii ay Tababarka dhamaysteen ka dib waxaa ay Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta iyo dib u dhiska Jubbaland waxaay ku wareejisay agabka loo adeegsado dhismaha guryaha iyo soo saarista dhagax qor-qorka.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here