Kooxda Real Madrid oo Guul ka gaartay RB Leipzig

0
67

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa guul ka gaartay kooxda martida loo ahaa ee RB Leipzig, waxayna guushu ku raacday (1-0) kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Ciyaarta ayaa bar-bar lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta, inkastoo fursado badan oo weerar ah ay heleen labada Kooxoodba, iyadoo ay si qurux badan u ciyaareen daafacyada labada kooxood.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ahayd ciyaar aad u wanaagsan, oo xamaasad badan leh, iyadoo labada kooxood ay is dhaafsadeen maamulida ciyaarta, waxaana goolkii ugu horeeyay Real Madrid u dhaliyay Brahim Diaz daqiiqadii 48-aad.

Labada kooxood ayaa halkooda kasii waday isku dayo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka kale, waxaana mid walba u suuragashay in ay gaarto goolka kale in ka badan, balse feejignaanta goolhayayaasha iyo daafacyada ayaa u diiday in midkood uu gool kale ku daro.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo guusha ku raacday kooxda Real Madrid iyadoona hal lug lasii gashay wareega sideed dhamaadka tartanka yurub ee Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here