Kooxda Man City oo ku Dhawaaqday Xiddiga Sávio.

0
96

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Sávio oo ay kala soo wareegtay kooxda Girona ee ka ciyaarta horyaalka dalka Spain.

Kooxda Man City ayaa la soo saxiixatay xiddiga Savio oo ay ka dhigayso saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga

Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay wax walba oo ku saabsan heshiiska xiddiga Savio ee kooxda Girona.

Savio ayaa si Rasmi ah ugu biiri doona kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan bisha July isla sanadkaan .

Kooxda Man City ayaa sidaas ku dhamaystirtay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagAaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here