Cumar Maxamed Xassan Dowlad Goboledka jubbaland iyo Haya,adaha Samafalka ka Cod saday in Lacaawiyo

0
325

Kismaayo(Idaacada Waamo)Cumar Maxamed Xassan Waa 20 Sano Jir la nool   Xanuun  sababa in uu Suuxo  Waxa uuna ku Socdaa Jilbaha  Maadaama uu ka go anyahay labada lugood .
Cumar waxaa uu ka soo jedaa Qoys Xoolo dhaqato ah Xili uu ku sugnaa meel udhow Deeganka Buulo Xaaji Ee Gobolka Jubbada hoose  Lana jiray Xoolo aya Waxaa haleelay Xanuun kusoo booday kaas oo sababay in uu Suuxo  kadibna ku dhoco dab xiligaas  ka shidnaa goobta  uu ku Xanuunsaday  sidaasna ay ku bilaabatay dhibka qabsaday ee uu Lugihiisa Waayay .
Cumar Maxamed Xassan  dhibatadii ka soo Gaartay Dabkii uu ku dhacay  ma ahaayn mid wax looga qabankaray Cisbitaalada ku Yaala Gobolka Jubbada hoose  waxaana xaalad Caafimaad loogu Qaaday  Cisbitaal ku Yaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Halkaas oo markii Danbe Looga Jaray Labadiisa lugood .
Cumar Haatan mahaysto Cid ka Caawisa sidii uu ku Heli lahaa qalab u Fududeeya Socodka waxa uu Dowlad Goboledka Jubbaland,Ganacsatada soomaliyed iyo Haya,adaha Samafalka uu ka Codsaday  in Laga Caawiyo Siduu ku Heli lahaa daeyeel Caafimaad .
Waxaa Jira  Dad badan oo dhibanayaal ah ku Waas oo ku dhex  nool bulshada lana daala dhacaya  dhibaatoyin kala duwan una baahan in Lacaawiyo.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here