Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo gargaar ku qaybisay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir

0
50

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho si gaar ah Degmada Bondheere waxa ay gargaar ugu qaybisay boqolaal qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo dad naafo ah, kuwaas oo qaarkood hore deegaanadoodii uga soo barakacay colaado iyo daadadkii El-Niño.

Qoysaskaan deeqda raashinka la gaarsiiyey ayaa ahaa 500 oo qoys, waxaana ay u mahadnaqeen hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka oo gargaarka soo gaarsiisay.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here