Real Madrid oo Iska Xaadirisay Final-ka Spanish Supercopa.

0
55

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay Atletico Madrid iyada oo 5/3 ku garaacday kooxda ay dariska yihiin iyagoona iska xaadiriyay Final-ka Spanish Supercopa.

Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku dagaalamayeen.

qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 waxaana labada kooxood u kala dhaliyey Atletico Madrid ayaa bilowday goolasha waxaana u dhaliyey Hermoso, kadib Real Madrid ayaa la timid barbar dhaca waxaana dhaliyey Rüdiger, kadib Mendy ayaa hogaanka usii dheereeyey Real Madrid, Griezmann ayaa usoo celiyey goolka Atletico Madrid.

Qaybtii dambe ayay kooxda Atletico Madrid ayaa dhalisay gool waxaana si khaldan isaga dhaliyay Antonio Rudiger.

Real Madrid ayaa la timid goolka 3-aad waxaana u dhaliyay Carvajal halka uu daafaca Atletico Madrid ee Stefan Savic si khaldan isaga daliyay ciyaarta wuxuuna ka dhigay 4/3 ay Real ku hogaaminayso.

Los Blancos ayaa daqiiqo 120+aad dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Brahim Diaz waxaana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real iska xaadirisay Final-ka tartanka.

May be an image of text that says '20' RÜDIGER 29' MENDY 6' M. HERMOSO 84' CARVAJAL 36' GRIEZMANN 115' JOSELU 77' MORATA 5 SUPESCORA 3 +2 SUPERCOPA 121' BRAHIM NEOM RIYADH KITAUN KITAUN'

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here