Puntland oo 20 gaari oo gurmad sidda u dirtay Beledweyne

0
344
Garoowe(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.
Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Puntland, Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa.
Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka koobanyahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo ay saaranyihiin 12,733 Kiish oo Raashin ah iyo Dhar cusub, waxaa deeqdan laraba in la gaarsiiyo 7000 oo qoys oo ah Walaalaha Fatahaaddu saameysay ee reer Beledweyne.
Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka Fatahaadda Webiga Shabeelle saameysay
Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey dadweynaha reer Puntland sida ay uga jawaabeen baaqii Dowladdu ay dirtay, isla markaana ay Dowladda ugala shaqeeyeen in la helo Gurmad loo diro Walaalaheena Beledweyne. Si gaar ah wuxuu u xusay Doorkii Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyaradu ay ka qaateen.
Gurmadka Beledweyne loo diray oo ahaa kii ugu balaarnaa ee Puntland dirto, waxaa kasii horeeyay 5 gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo laga ambabixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here