Kooxda Man City oo dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Claudio Echeverri.

0
61

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay Saxiixa xiddiga Claudio Echeverri sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano.

Man City ayaa durba u muuqata kuwo suuqa January ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo xoojinaya kooxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa sii joogi doona kooxdiisa haatan ilaa December 2024 isaga oo markaas iman doona kooxda Man City.

Xiddiga Claudio Echeverri ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here