Dhaqaatiirta Dhoobley oo kawarbixiyay adeegyada caafimaad ee looga baahanyahay deegaanka

0
47

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Daruufaha kala duwan ay heystaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Dhoobley ayaa hadana waxa xilligan ay wajahayaan xaalada caafimaad oo ka dhashay roobkii daadka watay ee ka da’ay Degmada Dhoobley kaasi oo saameyno caafimaad ku reebay dadka danyarta ah ee ku nool kamamka barakacayaasha ee Degmada Dhoobley.

Dhaqaatiirta ka howl gasha xarumaha caafimaad ee Degmada Dhoobley ayaa sheegay in bukaano badan oo la ildaran xanuunada sida maleeriyada, hargabka iyo xanuunnada ku dhaca maqaarka in ay soo gaaraan xarumaha caafimaadka taasi oo ay u sababeeyeen roobabkii ka da’ay Degmada.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here