Ra’iisul WasaareKhayre: Hannaanka Guud ee Lagu Gaarayo Hadafyada Horumarka Waara Ma Aha In uu Ku Habboonyahay Xaaladaha Oo Dhan

0
381

Paris(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo galay maalintiisii labaad.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dood looga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay inay muhiim tahay in la qiimeeyo dhammaan xaaladaha dunida ka jira si loogu guuleysto himilooyinka oo dhan.

“Hannaanka guud ee lagu gaarayo hadafyada horumarka waara (SDGs) ma aha inuu hannaan Qura ku habboonyahay xaaladaha oo dhan. Xaaladda Soomaaliya waa mid gaar ah. Codsigeygu waa inaan cidna gadaal looga tegin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris ayaa looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

R/W.Abdi Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here