Maamulka Degmada Kismaayo oo deeq raashiin ah gaarsiiyey deegaanada dhaca Galbeedka Kismaayo

0
49

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa deegaanada dhaca Galbeedka magaladda Kismaayo gaarsiiyey deeq raashiin ah oo gaaraysa 1360 qoys kuwaas oo ay saameeyeen daadadki ka dhashay roobabki mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka da’ayey deegaanada Jubbaland.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee degmada Kismaayo Mudane Axmed Aadan Afay, Agaasimaha waaxda Degaanka iyo Isbadalka Cimilada Degmada Kismaayo Mudane Cabdifatax Aadan Cabdullahi iyo qaar kamid ah Golaha Barlamanka Dowladda Jubaland ayaa goobjoog ahaa qaybinta raashinka.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here