Wafdi sare oo ka socda Bangiga adduunka oo soo gaaray Muqdisho

0
52
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wafdigan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Nagaruko oo ah agaasimaha Fulinta Xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 Dal oo Afrika ah, Soomaaliya na ay ka mid tahay.
Wasiiru Dowlaha wasaaradda maaaliyadda dowladda FS Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Saleman Sh Cumar ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Dr. Nagaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga, halkaas oo ay ku soo bandhigeen Ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.
Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Agaasimaha Bangiga Adduunka ee 22 waddan oo Soomaaliya kamid tahay.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here