Man United Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Arsenal, Liverpool Ayay Ku Dhagtay

0
76

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool iyo United ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Liverpool u dhaweyd in ay shabaqa booqdaan

Sheekada qeybta hore: Liverpool iyo United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah ka dib ciyaar ay qeybtaas gacan sareysay Liverpool

United daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen mana jirin dal daloolo ay sameynayeen waxaana moodday in kaliya difaac ku soo talo galeen qeybtaas hore

Liverpool weerar ayay aheyd balse halis gooni ah ma jirrin  inkastoo guud ahaan qeybtaas hore ay maareeyeen kubadda

Soo laabashadii Liverpool cadaadiska waa sii wadeen balse fursad xaqiiq ah ma jirrin xilli United daqiiqadii 52-aad ku sigteen gool ay dhaliyaan balse waa laga bad baadiyay .

Liverpool kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen balse go`aan qaadashada kuma wacneyn ..

Liverpool iyaga ayaa UNited kaga dhawaa in shabaqa booqdaan marka la eego isku dayo kala duwan oo ay sameyneyeen , waxaana xusid mudan in United kaliya daafac uun ahaayeen .

United qeybihii dhamaadka xigeenka waxa ay sameynayeen weeraro rogaal celis ah , waxaana muuqaneysay in labada koox ka cararayeen in ay galaan bar bar dhac

Sidaas oo ay tahay wiilasha Klopp fursado ayay cunayeen kuwaasi oo goolal loo turjumi karay.

Dhamaadkii qaladaad ayaa ka dhacayay labada koox laakiin midna kama faa’iidaysan khaladaadkii dhacay waxana ay iska lumiyeen fursado aad u badan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah waxana ay Man United hadiyad qaali ah dirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here