Kismaayo(Idaacadda Waamo)-magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu qabtay kulan ku saabsan isla xisaabtanka dowlada iyo dadwaynaha kaas oo looga hadlayay is dhexgalka muumulada degmooyinka Jubbaland ,dardar galinta dhisida golaga deegaanka dagmooyinka dowlad goboledka Jubbaland iyo xoojinta wada shaqaynta dowlad iyo shacabka.
kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa waxaa daah furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.