Bulshada Degmada Baydhabo oo Loo qaybiyay Geedo ay ku beertaan Guriyahooda.

0
54
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha is badelka cimilada deegaanada dalkeena soomaaliya gaar ahaan KGS ayaa bartamaha Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa dhir Loogu qaybiyay qaar ka mid ah bulshada Magaalada Baydhabo ,dhirtaas oo isugu jirta geedaha  morganka iyo isbaandheeska ku waas oo loogu talagalay in dadka loo qaybiyay ay guryahooda ku beertaan.
Qaybinta dhirtaan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka DEDO Gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Baydhabo iyo Xoghayaha dhalinyarada KGS  Cabdi Jabril Aadan,qaar ka mid dadkii dhirta loo qaybiyay ayaa sheegay in dhirta la siiyay ay ku faraxsanyihiin kuna beeran doonaan Guryahooda.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here