Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray magaalada Kismaayo

0
52

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka labaad, guddoonka Baarlamaanka, golaha wasiirada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kala qeyb galay soo dhowaynta wafdigan oo maalmaha soo socda booqasho ku joogi doona Jubbaland.

Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here