Hordhac: Crystal Palace Vs Liverpool

0
106

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa marti u noqonaysa kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha xidhiidhka ah ee si ay u sii baacsato hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

Kulanka: Crystal Palace Vs Liverpoo

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka:  Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Crystal Palace ayaan wax guul ah gaarin 12 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Liverpool, waxaana laga badiyay 10, tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen Anfield bishii Abriil 2017.

Guushii ugu dambeysay ee ay ku gaadhaan gurigooda heerka sare ee kulankan waxa ay aheyd November 2014.

Labada kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhamaaday barbaro: 1-1 garoonka Anfield August 2022 iyo 0-0 oo ka dhacay Selhurst Park bishii Febraayo 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here