Iskuulka deegaanka Lugloow oo fasallo cusub loo dhisayo

0
92
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Luglow ee waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu darayaa dhisma cusub oo lagu kordhinayo fasalada iskuulka ‘dhismahaas oo ay iska kaashanayaan Hay’adda IOM iyo dadka deegaanka .
Xildhibaan Aadan Xareed oo ka mid ah Golaha wakiilada Jubbaland ayaa kormeer ku tagay iskulka hoose dhexe ee deegaanka Luglow ee uu  dhismuhu ka socdo isagoona sheegay in dhismaha qaybta cusub ee iskuulka lagu soo kordhiyay ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaana waxaa uuna bulshada ku nool deegaanka Luglow uu ugu baaqay inaay ilaashadan dhismahayaash Muhiimka u ah bulshada ee uu iskuulku ka mid yahay.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here