Gudoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo oo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka barakacayaasha

0
76
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha dowlada hoose ee Degmada oo ka hadlay xaalada Binaa’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee Alnino iyo fatahaada uu wabiga Jubba ka gaaystay deegaanada iyo Degmooyinka dowlad goboledka Jubbaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada dhanka waqooyi ka xiga Kismaayo ee uu ku fatahay ay wajahayaan xaalad adag oo dhan walba ah .
Daahir Xuseen Cabdi Guoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo ayaa sheegay in deegaanka Goobwayne oo kismaayo u jira 13 KM uu hada ka mid yahay meelaha ugu daran ee wabigu ku soo fatahay ‘Hay’addaha Sama falka iyo Ganacsatada reer Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qataan gurmadka dadka daadadka iyo fatahaaduhu Saameeyeen ee soo barakacay.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here