Xaalado caafimaad darro oo soo food saaray dadka ka barakacay fatahaadda Baladweyne

0
134
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dr Maxamad Cabdi salan oo ka mid bahda caafimaadka ee Baladweyne oo ka warbixiyay xanuunada ka dhalan kara daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ka barakacay fatahaadda wabiga shabelle ay xiligaan soo wajahday xaalad caafimaad darro kadib markii biyaha ay ka dhasheen cuduro kala duwan.
Xanuunada ugu daran ee xiligan ay la il-daranyihiin dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa ka mid ah malaariyada, Jadeecada iyo Shuban biyoodka’sida uu warbaahinta u sheegay Dr Maxamad Cabdi salaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here