Muxuu Ten Hag Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Newcastle

0
118

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Man United ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Newcastle United kulan ka tirsanaa premier League.

Man United ayaa la kulantay guuldaro 1/0 ah kulan dhinac walba looga fiicnaa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kooxdani waa adkeysi. Qorshe ayaanu wadnaa, waanan wadi doonaa”.

“Waan la hadli doonaa kooxdayda laakiin waanu dagaalanay ilaa dhamaadkii ciyaarta waxa aan helnay fursado fiican”.

“Waxaan dhalinay gool, laakiin waxay ahayd Offside, waxa aan gali karnay bar-baro”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here