Madaxwaynaha Puntiland oo Dhagax-Dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada Isku Xidha Garawe iyo Boosaaso

0
344

Boosaaso(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.
Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.
Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland

Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here