Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddiga gurmadka Fatahaadaha Jubbaland oo uu hogaaminaayay Gudroomiyaha gudiga ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanada Goobweyn iyo Qaam-qaam ee waqooyiga magaalada Kismaayo halkaas oo ay kusoo barakaceen qoysas ay saameeyeen fatahaadda webiga Jubba iyo daadadka roobka Deyrta ah.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.