Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Roobabka xooggan oo maalmahaan ka da’ayay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa saamaayn ku yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ayadoo xaafadaha qaar ay biyuhu gudaha u galeen ayna dad ka barakeceen .
Maamulka Dowlada hoose ee degmada Kismaayo ayaa ka hadlay saamaaynta roobka ka da’ay gudaha Magaalada iyo hareereheeda kaas oo sababay barakac badan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.