Man United Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Soo Xero Galinayso Antoine Griezmann Suuqa January

0
69

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa diyaar u ah inay saddex jibaarto mushaharka xiddiga Antoine Griezmann si ay ugu qanciso in uu xiddiga reer France yimaado Old Trafford.

Griezmann ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Atletico Madrid xilli ciyaareedkan waxana uu xitaa ku tartamay abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan.

Xiddiga ayaa dhaliyay 12 gool 16 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa ka dhigay koox wacdaro dhigta.

Xiddiga 32 jirka ayay Man United doonaysaa in ay ka dhigto saxiixeeda suuqa January si ay ugu xoojiso weerarkeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Man United ayaa diyaar u ah in ay Xiddiga Griezmann u soo bandhigto lacag dhan 21 milyan oo euro sanadkii si uu ugu biiro Old Trafford.

Xiddiga ayaa Atletico Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga 2026 ah waxana uu kaga soo biiray Barcelona sanadkii 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here