Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Gobalka Gedo kormeer uu ugu kuur galayo Xaaladda beni’aadanimo

0
58

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa ballan qaaday in safaro kale uu ku imaan doono Magaalooyinka kale ee Gobolka, Wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here