Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Jubbaland oo ka warbixiyey qorshaha Jubbaland uga yaala dadka fatahaadaha kasoo barakacaya

0
37

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-maalmihii ugu danbeeyay deegaanada waqooyi ee hoos yimaada Degmada Kismaayo soo gaaray dad ka soo barakacay qaybo ka mid ah gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose ka dib markii ay saameeyeen fatahaada wabiga Jubba uu ka gaystay deegaanad uu maro ee dowlad goboledka Jubbaland iyo daadadka roobku uu watay .

Xoghayaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Jubbaland ahna Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar ayaa ka warbixiyey qorshaha Dowladda Jubbaland uga yaalla dadka danyarta ah ee fatahaadaha kasoo barakacaya waxaa uuna sheegay in ay jiraan meelo loo qorsheegay in dadka fatahaadaha iyo roobabku soo barakiciyeen la dajinayo.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here