Jadon Sancho Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Sucuudiga Suuqa January

0
74

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sida laga soo xigtay warbixinnada saxafada, Jadon Sancho kuma qanacsana inuu ka ciyaaro Saudi Professional League.

Sancho lama filayo inuu noqdo ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ku biiraya Saudi Professional League bisha January ee soo socota.

Waxa ay u muuqataa in 23-sano jirkaan mustaqbalkiisa Manchester United uu soo idlaaday sababo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya tababare Eric Ten Hag.

Qaab ciyaareedkii liitay ee Sancho ee garoonka tababarka ayaa keentay in laga reebo kooxda 1-aad iyada oo uu xiddigu tababaraha si kulul ugu jawaabay tababarihiisa.

Xiddigii hore ee Man City ayaa laga saaray kooxda 1-aad waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United suuqa January.

Arinta ugu macquulsan ayaa ah in uu xiddigu amaah ku boxo maadama ayna kooxda Man United xiddiga ku fasixi doonin wax ka yar 50 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here