Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo agab loogu talagalay maxaabiista ku wareejiyey maamulka Xabsiga dhexe Kismaayo

0
69
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland ayaa maamulka Xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo ku wareejisay agab loogu tala galay maxaabiista ku jira xabsigaasi agabka ayaa ka koobnaa Joodariyaal, Shandarawooyin, Sijaayado.
Taliye kuxigeenka xabsiga dhexe ee Kismaayo Aadan Dhabar Xassan oo  ka gudoomay Wasaaradda wuxuuna sheegay in agabka lasoo gaarsiiyey iney baahi weyn uqabeen waqti xaadirkan maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here