Wafdi uu hogaaminayay Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo soo gaaray magaalada Kismaayo

0
59

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Masuuliyiin uu Hoggaaminayey Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhoweeyay Xisaabiyaha guud ee maamulka  Jubbaland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland, Maxamuud Cabdi Axmed, qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here