Iskuulka ku yaala Baaydhabo oo ku burburay fatahaada ka dhacay magaalada

0
133

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Fatahaadii ka dhacdey Magaalada Baydhabo ee gobolka baay ayaa ahayd midi ugu darneyd ee Deegaanka soo marta waxaa ayna  Saamaayn adag ku yeelatey Noloshada kumanaan Qoysas ,Adeegyada Bulshada, isku socodka dadka iyo Gaadiidka, goobaha sida weyn uu Roobku u saameeyey waxaa ka mid ah Iskuulada oo adkaatey in Ardeydu ay aadaan.

Iskuulka Carafaad wuxuu ka mid yahy Iskuulada u dhow Bohosha biyaha sida xoogan u marayaan waxaana dumay qaybo ka mid ah iskuulka  sida Derbiyada iyo Albaabka waxaa baaba,ay wixii Agab halkaas ku jirey qaarkoodna uu daadku qaadey iskuulka ayaa waxaa dhigata inka badan Kun Ardey danyar u badnaa.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here