Pochettino Oo Ku Digtay Mikel Arteta Kadib Cabashadii VAR

0
95

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa weerar ku qaaday tababarayaasha premier League ee VAR ugu yeedhay ceeb marka la qaato go’aanaday ka soo hor jeeda iyaga xilli uu ka hadlayo tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta.

Tababaraha Arsenal ayaa aad uga carooday ka dib guuldaradii 1-0 ee Arsenal ka soo gaartay Newcastle United habeenkii sabtida isagoo “VAR” ku tilmaamay “Ceeb” iyo wax laga xishoodo in aan la diidin goolkii uu dhaliyay Anthony Gordon kulankii Sabtidii.

Dhinaca kale kulankii Tottenham iyo chelsea ayaa 9 jeer la eegay VAR waxana la diiday ugu yaraan 2 gool oo ay kooxdiisu dhalisay.

Laakiin Pochettino ayaa u sheegay tababarayaasha premier League in ay joojiyaan cabashada ay ka samaynayaan VAR.

Markii la waydiiyay in uu Arteta ku raacsan yahay hadalka ayuu yidhi”Waxan u malaynayaa in aan ka niyad jabsansahay waxa dhacay laakiin waxa laga yaabaa in aan anagu badinay iyagana laga badiyay laakiin waan ku raacsanahay niyad jabka”.

“Laakiin tan waa kubada cagta aan doonaynay isla markaas aan helnay, waxa aan isticmaalaynayaa Tegnoolajiyad aan doonaynay sidaas darteed hada ma caban karno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here