Wasaarada waxbarashada Jubbaland oo Xariga Ka Jaray Machadka farsamada gacanta

0
363

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Jubbaland, Maxamed Ibrahim Maxamuud ayaa xariga ka jaray  Machadka farsamada gacanta Jubbaland oo ah macadkii ogu horeeyay ee laga hirgaliyay deegaanadda Jubbaland kaas oo hoos tagi doona  wasaarada waxbarashada Jubbaland.
Agaasimaha waaxda farsamada gacanta ee wasaarada waxbarashada Jubbaland, Axmed Faarax Cali Aweys ayaa sheegay in wasaaradaha waxbarashada Jubbaland ay diyaar u tahay hormarinta waxbarashada farsamada gacanta.

Agaasimaha waxbarashada waaxda farsamada gacanta ee wasaarada waxbarashada xukuumad federalka Soomaaliya, Cabdicasiis Maxamed Nuur oo goobjoog ka ahaa xarig jarka xarunta ayaa dhalinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan machadka farsamada gacanta Jubbaland.

Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland, Maxamed Ibrahim Maxamuud oo xarunta xarig jaray ayaa dhalinyarada Jubbaland kula dardaarmay in ay ka faa’idaystaan xaruntan farsamada gacanta Jubbaland isaga oo sheegay in dalku uu u baahanyahay farsamayaqaano wax badan ka badala loogana maarmo farsamayaqaanada dhismaha iyo dhan walbaba leh ee ajaanibta ah ee dalka.

Wasiirka ayaa gabagabadii furaha xarunta ku wareejiyay agaasimaha waaxda farsamada gacanta wasaarada waxbarashada Axmed Faarax Awee

 

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here