Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mashruucan oo loogu magac daray ka soo ka bashada saameynta dadka barakacayaasha ama xalka waara kaasi oo lagu caawiyo dadka barakacayaasha ayaa shaqa abuur waxaa loogu sameeyay Qoysas barakacayaal oo ka kala socday Kaamamka Barwaaqo, Eediisii, Xanaano two iyo qaar ka mid ah bulshada xaafadaha Baydhabo, Waxaana Mashruucan shaqa abuurka ah maalgelisay Hay’adda Socdaalka IOM iyadoona fulineysay Hay’adda Riyado.
Dahfurka Mashruuca ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada Baydhabo, Agaasimaha wasaarada qorsheynta KG iyo madax ka kala socotay Labada Hay’adood.
Mid ka mid Masuuliyiinta Hay’adda Riyado ayaa ka warbixiyay Mashrucaan shaqaabuurka ah iyo dadka loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan.
Mid ka mid Masuuliyiinta Hay’adda Riyado ayaa ka warbixiyay Mashrucaan shaqaabuurka ah iyo dadka loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.