Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga xulka qaranka Argentine iyo kooxda Inter Miami ee Lionel Messi ayaa kaligiis ka badan 4 wadan dhinaca ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or kadib markii uu markii 8-aad ku guulaystay abaalmarinta.
Xaflada Ballon d’Or ayaa la qabtay habeenimadii Isniintii iyada oo uu xiddiga reer Argentine ku guulaystay markii 8-aad xirfadiisa ciyaareed.
Messi aya horay ugu guulaystay abaalmarinta Sanadaha 2009, 2010, 2011, 200212, 2015, 2019, 2021 iyo sanadkan oo ah 2023.
Sidaas darteed Messi ayaa ka badan dhinaca abaalmarinta 4 wadan oo ka mid ah wadamada ugu weyn kubada cagta yurub.
Messi ayaa ku guulaystay kaligiis abaalmarino ka badan Ballon d’Or-ka wadamada Portugal, Holland, Germany iyo Ftrance.
Wadamada kor ku xusan ayaa ku guulaystay abaalmarinta min 7 jeer iyaga oo ka hooseeya xiddiga reer Argentine ku guulaysiga abaalmarinta.