Maamulka Degmada Kismaayo oo loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii wadooyinka Kismaayo loo sameeyn lahaa calaamadaha wada marista

0
124

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-wadooyinka Magaalada Kismaayo gaar ahaan Laamiga dheer ee mara bartamaha Magaalada ayaa inta badan ah mid mashquul ay ka dhigaan noocyada kala duwan ee gaadiidka iyo bulshada oo aan si wanaagsan u ilaalin nidaamka wada marista madaama dadku ay la qabsadeen burburkii iyo dowlad la’aantii mudada dheer dalka ka jiray waxaa ayn taasi keenta in mararka qaar ay shilal ka dhacaan wadooyinka gaar ahaan meelaha uu mashquulka badan ka jiro.

Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Jubbaland ayaa sheegay in ay la kulmaan caqabado kala duwan inta shaqadooda ay ku guda jiraan ku waas oo ay ka mid yihiin bulshada oo aan ilaalin shuruucda wada marista iyo Jidadka oo aan lahaayn calaamadaha wada marista iyo meelaha ay dadku istaagi lahaayeen xiliga ay sugayaan gaadiidka dad waynaha.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here