Jude Bellingham Oo Taariikh Ka Sameeyay Kulankii El-Clasico

0
70

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xidiga kooxda Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa taariikh ka sameeyay El-Clasico ayaa kadib markii uu laba gool dhaliyay kulankii ay Los Blamcos ka badisay Barcelona.

Xiddigii hore ee Dortmund oo wacdaro ka dhigay La Liga tan ilaa markii uu ku soo biiray Real Madrid ayaa wacdaro ka dhigay El-Clasico kulan ka tirsanaa La Liga.

Xiddiga Bellingham ayaa dhaliyay gool waali ah dhaliyay isaga oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kana dhigay bar-baro 1/1 ah.

Xiddiga reer England ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka 2-aad isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul wakhti dambe ah.

Kadib labada gool xiddiga Bellingham ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Real Madrid ah ee dhaliya 2 gool kulankiisii ugu horeeyay ee El-Clasico.

Waxa intaas sii dheer in uu Bellingham dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka La Liga waxana uu sii wadaa wacdarihii uu dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here