Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee BFJS oo kulan la qaatay ku-xigeenka Barlamaanka Angola

0
81
Kismaayo(Idaacadda Waam)-Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa magaalada Luanda  kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola Mudane Raul Augusto Lima.
Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu horeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Dalka Angola ugu warbixiyay xaladda Guud ee dalka Soomaaliya isagoona dhigiisa Angola ka dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee dalka Angola iyo Shirka 147aad Ee barlamaanka Aduunka sida ay ugu diyaar garooween martigilinta Shirkaan Caalimiga ah oo noqonaya Markii ugu horeysay oo wadan Afrcan ah lagu qabto doorashada IPU.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here