Wasaaradda Dhalinyarada Jubbaland oo qalab ay ku shaqaystaan ku wareejisay Dhalinyaro baratay Soolarka.

0
354

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland ayaa in kabadan boqol arday oo baratay xirfada Sollarka ku wareejisay agab cadceeda ku shaqeeyo si ay shaqo abuur ugu noqoto.

Qaar ka mid ah ardaydii baratay xirfada Sollarka islamarkaasina lagu wareejiyay agabka kala duwan ayaa u mahadceliyay wasaarada,waxayna sheegeen in dalkooda ay ku anfici doonaan xirfadan ay barteen.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Abdirahmaan Haji Abdi ayaa sheegay in wasaaradu ay ka go,antahay in ay shaqo abuur u sameyso dhalinyarada.

Ugu dambeyn,wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland mudane Cabdiqaadir Maxamed Faarax ayaa ardayda ku dhiira geliyay in ka faa’iideystaan,wuxuuna u ballan qaaday in shaqo walba oo Sollarka la xidhiidha ee looga baahdo Jubbaland in iyaga muhiimada koowaad la siin doono.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here