Hor Dhaca Chelsea Vs Arsenal

0
134

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waa mid ka mid ah kulamada ugu adag todobaadkaan horyaalka Ingiriiska , waxa ay Arsenal isha ku haysaa in ay sii hayaan wadada guulaha

Xogta Kulanka

*Arsenal ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Chelsea tartamada oo dhan.

*Kooxda martida ah ayaa hamineysa inay badiso afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah iyaga oo la ciyaaraya Chelsea markii ugu horeysay, taasoo noqon doonta kulanki 173aad ee labada koox.

*Blues ayaa rajeyneysa inay gaarto seddex guul oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo afar guul oo ay gaareen Sebtember ilaa October ee sanadkii hore.

*Chelsea ayaa sidoo kale halis ugu jirta in laga badiyo seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay gurigeeda ku ciyaarto markii labaad taariikhda.

*Mauricio Pochettino waligiis wax guuldaro ah kalama kulmin Arsenal kulan Premier League ah, isagoo badiyay seddex kulan, seddexna bar baro.

*Arsenal ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee guulaysata 4-ta kulan ee furitaanka  horyaalka ee ay marti yihiin hal xilli ciyaareed gudahiis iyadoo shabaqooda uusan taaban wax gool ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here