Bruno Fernandes Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Laga Dhigay Premier League

0
46

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kabtanka kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa barbareeyay rikoorka Premier League ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta goolkii ugu fiicnaa bishii September.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa shabaqa soo taabtay kubad uu si qurux badan ugu badiyay ciyaarta si uu uga caawiyo Red Devils inay helaan seddexda dhibcood kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Burnley 23kii Sebtember.

Fernandes ayaa si qurux badna u dhaliyay gool isaga oo kubad dheer ka helay daafaca Jonny Evans.

Xiddiga 8-aad ee Man United noqday xiddigii labaad ee taariikhda Premier League ku guulaysta seddexda abaal marin ee goolkii ugu quruxda badnaa bisha isaga oo bar-bareeyay saxiixa cusub ee kooxda Luton Town ee Andros Townsend.

Fernandes wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ​​​​ugu horreysay ee GOTM bishii Juun 2020 kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Brighton ka hor inta uusan helin abaalmarinta mar labaad Febraayo 2021 ka dib markii gool ka dhaliyay Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here