Chris Sutton oo Saadaaliyay Kulanka Adag ee Arsenal iyo Man City

0
140

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Khabiirka kubada cagta ee Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Man City iyo Arsenal kana tirsan horyaalka Premier League.

Chris Sutton ayaa yiri: “Waxaan U Wel-welayaa Arsenal hadii uu ka maqan yahay ciyaaryahanka Bukayo Saka kulanka ay la ciyaarayaan Kooxda Man City”.

“Haatanba waxa dhaawac uga maqan Gabriel Martinelli, Markaad awood ma u leeyihiin in ay halis galiyaan Man City hadii uu Saka maqan yahay Axada sidoo kale? Anigu ma hubo taas”.

“Man City sidoo kale ma ahan sidii hore, Haaland kuma jiro qaab ciyaareed fiican kaliya waxa uu dhaliyay hal gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay”.

“Laakiin isaga meesha kama saari kartid xitaa hadii ayna Man City si fiican u ciyaarayn, waxana aan arki karaa in ay goolal ka dhalin karaan Arsenal”.

“Anigu waxa aan saadaalinayaa in ay Man City ku badiso 2/1″ayuu Sutton sii raaciyay.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulankoodii 2-aad kadib markii ay ku kulmeen tartanka Community Shield-ka bilowgii xilli ciyaareedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here